Monday, March 2, 2009

Xukuumadda Cusub oo sheegtay in ay wax ka qabaneeyso dhibaatooyinka ka taagan dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.


(Bancadde)Xukuumadda Cusub ayaa waxaa ay sheegtay in ay wax ka qabaneeyso dhibaatooyinka ka taagan dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.
Kadib booqasho uu ra’iisul wasaaraha dowlada midnimada Qaran ku tagay dekeda magaalada Muqdisho aya xoghayaha dhinaca warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in xukuumadu ay si deg deg ah wax uga qabaneeyso dhibaatooyinka ka jira gudaha dekeda magaalada Muqdisho oo ay ugu horeeyso dhibaatooyin gaadiidka ay tabanayaan oo ku aadan lacago farabadan oo si sharci daro ah looga qaado gudaha dekeda.

C/salaam Yuusuf Guuleed oo ah xoghayaha dhinaca warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa idaacada shabelle uga waramay waxaana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan gudaha dekeda iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya kadib booqasho uu shalay ra’iisul wasaaraha ku tegay dekeda isaga iyo wafid la socday oo uu ka mid ahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ahna wasiirka Maaliyada iyo wasiirka gaadiidka iyo Dekedaha Max’ed Ibraahin Xaabsade iyo qaar badan oo ka mid ah golaha wasiirada dowlada midnimada qaran kuwasi oo dhamaantooda u kuur galayaya xaalada ka jirta gudaha Dekdan magaalada Muqdisho Iyo sida ay u shaqeeyso


Shide Ahmed Qaybdiid Bancadde.com

No comments:

Post a Comment