Monday, March 2, 2009

Golaha wasiirada wadamada Qaliijka oo dhinacayada Soomaalida ah ugu baaqay in ay xaliyaan qilaafaadkooda.


(Bancadde)Golaha wasiirada wadamada Qaliijka ayaa dhinacayada Soomaalida ah ugu baaqay in ay xaliyaan qilaafaadkooda.

Golaha wasiirada wadamada ku bohoobay iskaashaatada wadamada Qaliijka ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Riyaadh ee wadana Saudi Arabia waxaa ay ka soo saareen Qodobo dhowr ah oo ay kaga hadlayeen arimaha Soomaaliya.

Golaha waxaa ay sheegeen in marka hore ay ka walaacsan yihiin sii socoshada xaalada liidata ee dalka Soomaaliya,waxaana ay sheegeen in dhankooda ay si weyn u soo dhaweynayaan isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Soomaaliya ee madaxaweynaha loogu doortay sheikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyihii Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay si weyn ula dhacsan yihiin codka Kalsoonida ay siiyeen golaha baarlamaanka Soomaaliya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke.

Golaha wasiirada wadamada ku bohoobay iskaashaatada wadamada Qaliijka waxaa ay dhinacayada Soomaalida ugu baaqeen in ay iska kaashadaan soo afmeerida dhibaatada ragaadisan dadka Soomaaliya,waxaana ay sidoo kale ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amaanka isla markana dib dalka ay ugu soo celiyaan xasiloonidii iyo kala danbeeyntii.


Shide Ahmed Qaybdiid Bancadde.com

No comments:

Post a Comment