Tuesday, March 3, 2009

Addis Ababa: Tababar loo soo xiray Saraakiil ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya


Addis Ababa(Bancadde.com)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay Dawladda Itoobiya maanta ay tababar usoo xirtay 30 Sarkaal oo ka mid noqonaya ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwasoo lasiinayo tababaro ku aadan xaalada Hogaaminta & Isku dubaridka ciidamada ay hogaamin doonaan.Xirida Tababarkan waxaa ka qeybgalay Siyaasiin ka tirsan Xukuumada Midnimada Qaran ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana jooga Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aaden & Taliyah ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid), waxa ayna dhamaantood ka qeybgaleen xirida tababarkaasi.Xukuumada Itoobiya ayaa tababaro balaaran siisay Saraakiisha ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana dhaqaalaha bixiyay Urur Gobaleedka IGAD, ayadoo Itoobiya ay ku taageertay Macalimiinta tababarada siinayay, waxaana uu socday tababarkan mudo ku siman 1 sanno & Bar in ka badan.Taliyaha ciidamada Booliska ee dawladda Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa usheegay Idaacada VOA-da in ay arintan qeyb ka tahay Hanaanka Siyaasadeed & aqooneed ee ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in looga baahan yahay dawladdaha Caalamka in ay taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayna ciidamada taageero lixaad leh siiyaan si amaanka loo sugo.DF ayaa taageero dhaqaale oo fara badan weydiisay Caalamka, waxa ayna dhawaan heshay taageerooyin Siyaasadeed & Dhaqaale, waxa ayna tani ka mid noqoneysaa taageerada ay helayaan dawladda faderaalka, waxaana looga fadhiyaa Xukuumad cusub waxqabad deg deg

No comments:

Post a Comment