Sunday, March 1, 2009

Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa oo maanta booqasho ku tagay dekadda weyne ee magaalada Muqdisho


Ra'iisul wasaare dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shrma?arke iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ayaa maanta booqasho ku tagay dekadda weyne ee magaalada Muqdisho xili dhawaan ay cabasho ka soo yeeraysay qaar ka mid ah gaadiidlayda ka shaqeysa gudaha dekeddaasi.

Wafdi balaaran oo uu hogaaminyo ra?iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta booqasho aan horay loo shaacin waxaa ay ku tageen dekadda weyne ee magaalada Muqdisho,iyadoona uu wehliyaan Ra?iisul wasaaraha ku xigeenkiisa Ahna wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan,wasiirka gaadiidka Max?ed Ibraahim Xaabsade,masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Ra?iisul wasaaraha ayaa la hadlin saxaafadda iyadoo aan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa booqashadiisa,waxaana intii uu halkaasi ku sugnaa ra?iisul wasaaraha hakad galey dhamaan howlahii dhaq dhaqaaqa ee dekedda oo ay ciidamo fara badan biixyeen.

Boqoshada Ra?iisul wasaraha ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xili cabasho badani ay ka taagneyd gudaha dekadda weyne ee Muqdisho gaar ahaan kuwo ka soo yeerayay gaadiidlayda ka shaqeeya gudaha dekadda oo ay sheegeen in lacago baad ah looga qaado dekadda weyne ee magaalada Muqdisho,iyadoona aan la ogeyn talaabada uu Ra?iisul wasaruhu ka qaadan doono arinkaasi.


Shide Ahmed Qaybdiid Laascaanood

No comments:

Post a Comment