Qaar ka mid ah dad ka soo barakacay Dhibaatooyin ka jiray gobolka gedo oo ku sugnaa gobolka J/hoose ayaa bilaabay in deegaandooda ay ku laabtaan kadib markii halkaasi roobab ay ka da’een.
Dadkani oo ah dad reer guura ah oo markii hore ka soo cararay deegaano ka tirsan gobolka Gedo kuna soo cararay gobolada Jubooyinka ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan gobolka Gedo.
Dadkani oo u badan xoolo dhaqato gaar ahaan Geela ayaa la arkayay iyagoo ka gudbayay buundada degmada Bu'aale kuwaasi oo ku sii jeeda gobolka Gedo oo ay ka de'een Roobab lagu Diirsaday.
Xoolo dhaqatada ayaa sheegay in ay uga cararayaan deegaanada gobolada Jubooyinka Abaaro iyo biyo la'aan halkaasi ka dilaacaday.
Barakaca xiligan ay bilaabeen dadka reer guuraaga ah ayaa waxaa ay ka danbeeysay kadib markii abaaro dadka iyo duunyada saameeyay ay ka dilaaceen deegaanada gobolada Jubooyinka halkaasi deegaanada qaar ay yihiin kuwa aan lala gaarin biyaha.
Baracaka xoolo dhaqatada halkasi ay ka bilaabeen ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili shalay galinkii danbe dibadbax roob doon ah oo ay soo agaasimeen maamulka islaamiga ee gacanta ku haya gobolkaasi uu ka dhacay magaalada Kismaayo.

Laascaanood
No comments:
Post a Comment