Tuesday, March 3, 2009

Garowe: Madaxweyne Faroole oo kulan aan caadi aheyn la yeeshay Golihiisa Wasiirada.


Garowe(Bancadde.com)- Madaxtooyada Puntland ayaa shalay looga yeeray Xubnaha golaha Wasiirada ee dawladda Puntland, waxaana uyeeritaankaan ay ka dambeysay markii uu Madaxweyne Faroole ka soo laabtay booqashooyin uu ku tagay gobalada Mudug & Bari, ayadoo kulankan uu ahaa mid deg deg ah oo aan caadi aheyn uuna iclaamiyey Madaxweynaha Puntland.Sida lugu daabacay Bar Internet oo ay leedahay dawladdu waxaa kulankaan lugu soo qaaday xaaladaha Booqashadii Madaxweyne Faroole ku tagay gobalada Mudug & Bari, Amaanka Puntland, Dibu habeyntii Dhaqaalaha & Ciidamada, Xiisadaha Colaadeed ee ka taagan meelo ka mid ah Puntland & qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen wada shaqeynta Golayaasha dawladda.Madaxweyne Faroole oo shirkan Shir gudoominayay ayaa usheegay Golaha Wasiirada in uu ku soo arkay gobalada Mudug & Bari xaalado kala gedisan, wuxuuna tilmaamay in Booqashadii Mudug uu ku tagay uu ku soo arkay xaalado ubaahan waxqabad deg deg ah, uuna wada hadalo la yeeshay Odayaasha dhaqanka oo ay usoo jeediyeen talooyin ku aadan xaalada gobalkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in uu sidoo kale gobalka Bari xaalado kale isna kala kulmay una baahan waxqabad wanaagsan oo muuqda.Madaxweynaha Puntland wuxuu soo qaaday amaanka Puntland wuxuu usheegay Golaha Wasiirada in laga shaqeeyo amaanka, isagoo ku amray Wasaaradaha shaqada ku leh Amaanka & Xiisadaha Colaadeed in si deg deg ah wax looga qabto xaalada Amaanka & Xasaradaha, wuxuuna tilmaamay in deegaano ka mid ah Ciida Puntland ay ka jiraan Xiisado Beeleedyo udhaxeeya Beelo udhashay Puntland, loogana baahan yahay Wasaaradaha shaqada ku leh in ay deg deg uxaliyaan Mashaakilkaasi.Mar laga hadlayay dibu habeynta Dhaqaalaha & Ciidamada ayaa lasheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlahaasi ayna ku howlan yihiin Gudiyadii loo diray sidii loo heli lahaa ciidan wanaagsan oo la yaqaano & Dhaqaale caadi ah oo la maamuli karo lana ogaan karo meesha uu ku baxayo, Ayadoo la eegayo xaaladaha Puntland ay ku jirto.Kulankaan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaan Saxaafada wax war ah oo dheeri ah aan laga-siin, waxa ayna Golaha Wasiiradu isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi wada shaqeynta ka dhaceysa Golayaasha Baarlamaanka, Xukuumada, Garsoorka & Madaxtooyada, waxaana uu codsaday Madaxweyne Faroole in ay Golayaasha Puntland ay noqdaan kuwa isku duuban oo fiiriya oo kaliya danta dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.Shirkan Wasiirada ayaa lugu soo qaaday xiisado colaadeed oo ka taagan deegaanka Cadaada oo ay dhawaan ku dagaalameen Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda deegaanada Puntland, waxa ayna Xukuumadu horay shaaca uga qaaday in ay si deg deg ah ukala dhexgalayso Beelahaasi, si wax looga qabto dirirta ka dhaceysa goobahaasi.Kulankaan golaha Wasiirada ayaa ka soo hormaray Kulankii Khamiis lahaa oo khamiista kasta ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee Puntland, waxaana Xukuumada cusub ay dooneysaa inay waxqabad muuqda ka hirgaliso Puntland sida ugu dhaqsaha badan.
Shide Ahmed Qaybdiid Laascaanood

No comments:

Post a Comment