Sunday, March 15, 2009

Saxaafada SSC oo cabasho ka muujyay maleeshiyaadka SNM


waxaa berahan soo noq noqonayay cabasho ka i,aamaysa saxaafa SSCee cabudhin xoogle ay ku hayaan Maamulka somalidiid ka iyagoo xidh xidhay dhawr jeer dhalin yaro wax ku qorta WEB caalami ah sida Jidbaale.com riinji .com radioLaascaanood.com arinta ayaa waxaanu waraysi kala yeelanyay Mulkiilaha Webka Rinji.com Jaamac Maxamuud Xaaji Ismaaciil

wuxuuna udhacay sudaa

S jama maxaad ka cabanaynsaan oo ay idiin gaystaan maamulka soomaalidiid ka


J walahay arintaasi maaha mid aan soo koobi karo maamul ku sheegaasi waxay nagu hayaan dhib laxaadle waxay xidh xidheen dhalin yaro badan oo waliba ay jidhdileen


S maxaa loo xidh xidhayaa oo jiraa


J wxaa jira meesha maaha waxa jooga maamul ee waa qabiil qabiil qabsaday markaa aar gosi iyo wax la mid ah ayaa jira


S bal halkaas faah faahi


J waxaan ula jeedaa meesha waxaa haysta beel la dhaho isaaq markaa waxaa kuira cuqdad iyo wax aan la aqoon markaa maaha wax laga shekayn karo waxa ka jira meesha


S jaamac adiga miyaa marna lagu xidhay


J haa ilaa bil ayaan xidhnaa


S marka maxakamd ma lagu geeyey mise waa layska kaa sii dayay markii dambe


J may la ima geyn meel ee waa layska kay siidayay


S markaa maxaad hada ugu baaqil shacab ka ku dhegaysanaya


J waxan ugu baqayaa in lala dagaalamo maleeshiyaadka SNM


Kaasi wuxuu ahaa jaamac maxamuud xaaj ismaaciil

Wednesday, March 4, 2009

RadioLaascaanood1.com Magaalada Dharkayn Geenyo oo laga Hirgeliyey laba Mashruuc(Samafal)


RadioLaascaanood1.com1)Magaalada Dharkayn-Geenyo kana Tirsan Gobolka Sool, 80km Dhanka Hawdka ayay L/canood kaga Beegan Tahay: Daawo Sawirada
Magaalada Dharkayn-Geenyo kana Tirsan Gobolka Sool, 80km Dhanka Hawdka ayay L/canood kaga Beegan Tahay: Daawo Sawirada
Mashruuc Samafala oo kaashanaya Jaaliyada ka soo Jeeda Gobolka Sool Gaar ahaan Magaalada Dharkayn Geenyo ayaa waxay Magaalada Dharkayn ka hirgeliyeen laba Mashruuc iskugu Jira School Sare iyo Masaajid.

Waxaa Mashuuraca Xadhiga ka Jaray Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Odoyaasha/Waxgaradka u dhashay Magaalada

Mashruuca Samafalka iyo Jaaliyada ka soo jeeda Dharkayn Geenyo waxay hadda isku Diyaarinayaan laba Mashruuc oo laga Fulinayo Magaaladaas waxaana Hadda ay Bilaamayaan Hospitaal.

A/nasir Ahmed Qaybdiid
Email shidedahab@hotmail.com

Tuesday, March 3, 2009

Garowe: Madaxweyne Faroole oo kulan aan caadi aheyn la yeeshay Golihiisa Wasiirada.


Garowe(Bancadde.com)- Madaxtooyada Puntland ayaa shalay looga yeeray Xubnaha golaha Wasiirada ee dawladda Puntland, waxaana uyeeritaankaan ay ka dambeysay markii uu Madaxweyne Faroole ka soo laabtay booqashooyin uu ku tagay gobalada Mudug & Bari, ayadoo kulankan uu ahaa mid deg deg ah oo aan caadi aheyn uuna iclaamiyey Madaxweynaha Puntland.Sida lugu daabacay Bar Internet oo ay leedahay dawladdu waxaa kulankaan lugu soo qaaday xaaladaha Booqashadii Madaxweyne Faroole ku tagay gobalada Mudug & Bari, Amaanka Puntland, Dibu habeyntii Dhaqaalaha & Ciidamada, Xiisadaha Colaadeed ee ka taagan meelo ka mid ah Puntland & qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen wada shaqeynta Golayaasha dawladda.Madaxweyne Faroole oo shirkan Shir gudoominayay ayaa usheegay Golaha Wasiirada in uu ku soo arkay gobalada Mudug & Bari xaalado kala gedisan, wuxuuna tilmaamay in Booqashadii Mudug uu ku tagay uu ku soo arkay xaalado ubaahan waxqabad deg deg ah, uuna wada hadalo la yeeshay Odayaasha dhaqanka oo ay usoo jeediyeen talooyin ku aadan xaalada gobalkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in uu sidoo kale gobalka Bari xaalado kale isna kala kulmay una baahan waxqabad wanaagsan oo muuqda.Madaxweynaha Puntland wuxuu soo qaaday amaanka Puntland wuxuu usheegay Golaha Wasiirada in laga shaqeeyo amaanka, isagoo ku amray Wasaaradaha shaqada ku leh Amaanka & Xiisadaha Colaadeed in si deg deg ah wax looga qabto xaalada Amaanka & Xasaradaha, wuxuuna tilmaamay in deegaano ka mid ah Ciida Puntland ay ka jiraan Xiisado Beeleedyo udhaxeeya Beelo udhashay Puntland, loogana baahan yahay Wasaaradaha shaqada ku leh in ay deg deg uxaliyaan Mashaakilkaasi.Mar laga hadlayay dibu habeynta Dhaqaalaha & Ciidamada ayaa lasheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlahaasi ayna ku howlan yihiin Gudiyadii loo diray sidii loo heli lahaa ciidan wanaagsan oo la yaqaano & Dhaqaale caadi ah oo la maamuli karo lana ogaan karo meesha uu ku baxayo, Ayadoo la eegayo xaaladaha Puntland ay ku jirto.Kulankaan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaan Saxaafada wax war ah oo dheeri ah aan laga-siin, waxa ayna Golaha Wasiiradu isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi wada shaqeynta ka dhaceysa Golayaasha Baarlamaanka, Xukuumada, Garsoorka & Madaxtooyada, waxaana uu codsaday Madaxweyne Faroole in ay Golayaasha Puntland ay noqdaan kuwa isku duuban oo fiiriya oo kaliya danta dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.Shirkan Wasiirada ayaa lugu soo qaaday xiisado colaadeed oo ka taagan deegaanka Cadaada oo ay dhawaan ku dagaalameen Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda deegaanada Puntland, waxa ayna Xukuumadu horay shaaca uga qaaday in ay si deg deg ah ukala dhexgalayso Beelahaasi, si wax looga qabto dirirta ka dhaceysa goobahaasi.Kulankaan golaha Wasiirada ayaa ka soo hormaray Kulankii Khamiis lahaa oo khamiista kasta ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee Puntland, waxaana Xukuumada cusub ay dooneysaa inay waxqabad muuqda ka hirgaliso Puntland sida ugu dhaqsaha badan.
Shide Ahmed Qaybdiid Laascaanood

Addis Ababa: Tababar loo soo xiray Saraakiil ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya


Addis Ababa(Bancadde.com)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay Dawladda Itoobiya maanta ay tababar usoo xirtay 30 Sarkaal oo ka mid noqonaya ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwasoo lasiinayo tababaro ku aadan xaalada Hogaaminta & Isku dubaridka ciidamada ay hogaamin doonaan.Xirida Tababarkan waxaa ka qeybgalay Siyaasiin ka tirsan Xukuumada Midnimada Qaran ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana jooga Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aaden & Taliyah ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid), waxa ayna dhamaantood ka qeybgaleen xirida tababarkaasi.Xukuumada Itoobiya ayaa tababaro balaaran siisay Saraakiisha ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana dhaqaalaha bixiyay Urur Gobaleedka IGAD, ayadoo Itoobiya ay ku taageertay Macalimiinta tababarada siinayay, waxaana uu socday tababarkan mudo ku siman 1 sanno & Bar in ka badan.Taliyaha ciidamada Booliska ee dawladda Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa usheegay Idaacada VOA-da in ay arintan qeyb ka tahay Hanaanka Siyaasadeed & aqooneed ee ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in looga baahan yahay dawladdaha Caalamka in ay taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayna ciidamada taageero lixaad leh siiyaan si amaanka loo sugo.DF ayaa taageero dhaqaale oo fara badan weydiisay Caalamka, waxa ayna dhawaan heshay taageerooyin Siyaasadeed & Dhaqaale, waxa ayna tani ka mid noqoneysaa taageerada ay helayaan dawladda faderaalka, waxaana looga fadhiyaa Xukuumad cusub waxqabad deg deg

Monday, March 2, 2009

Golaha wasiirada wadamada Qaliijka oo dhinacayada Soomaalida ah ugu baaqay in ay xaliyaan qilaafaadkooda.


(Bancadde)Golaha wasiirada wadamada Qaliijka ayaa dhinacayada Soomaalida ah ugu baaqay in ay xaliyaan qilaafaadkooda.

Golaha wasiirada wadamada ku bohoobay iskaashaatada wadamada Qaliijka ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Riyaadh ee wadana Saudi Arabia waxaa ay ka soo saareen Qodobo dhowr ah oo ay kaga hadlayeen arimaha Soomaaliya.

Golaha waxaa ay sheegeen in marka hore ay ka walaacsan yihiin sii socoshada xaalada liidata ee dalka Soomaaliya,waxaana ay sheegeen in dhankooda ay si weyn u soo dhaweynayaan isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Soomaaliya ee madaxaweynaha loogu doortay sheikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyihii Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay si weyn ula dhacsan yihiin codka Kalsoonida ay siiyeen golaha baarlamaanka Soomaaliya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke.

Golaha wasiirada wadamada ku bohoobay iskaashaatada wadamada Qaliijka waxaa ay dhinacayada Soomaalida ugu baaqeen in ay iska kaashadaan soo afmeerida dhibaatada ragaadisan dadka Soomaaliya,waxaana ay sidoo kale ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amaanka isla markana dib dalka ay ugu soo celiyaan xasiloonidii iyo kala danbeeyntii.


Shide Ahmed Qaybdiid Bancadde.com

Xukuumadda Cusub oo sheegtay in ay wax ka qabaneeyso dhibaatooyinka ka taagan dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.


(Bancadde)Xukuumadda Cusub ayaa waxaa ay sheegtay in ay wax ka qabaneeyso dhibaatooyinka ka taagan dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.
Kadib booqasho uu ra’iisul wasaaraha dowlada midnimada Qaran ku tagay dekeda magaalada Muqdisho aya xoghayaha dhinaca warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in xukuumadu ay si deg deg ah wax uga qabaneeyso dhibaatooyinka ka jira gudaha dekeda magaalada Muqdisho oo ay ugu horeeyso dhibaatooyin gaadiidka ay tabanayaan oo ku aadan lacago farabadan oo si sharci daro ah looga qaado gudaha dekeda.

C/salaam Yuusuf Guuleed oo ah xoghayaha dhinaca warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa idaacada shabelle uga waramay waxaana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan gudaha dekeda iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya kadib booqasho uu shalay ra’iisul wasaaraha ku tegay dekeda isaga iyo wafid la socday oo uu ka mid ahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ahna wasiirka Maaliyada iyo wasiirka gaadiidka iyo Dekedaha Max’ed Ibraahin Xaabsade iyo qaar badan oo ka mid ah golaha wasiirada dowlada midnimada qaran kuwasi oo dhamaantooda u kuur galayaya xaalada ka jirta gudaha Dekdan magaalada Muqdisho Iyo sida ay u shaqeeyso


Shide Ahmed Qaybdiid Bancadde.com

Sunday, March 1, 2009

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Furitaankii Wargayka Bancadde




Hanbalyo Hanbalyo

Anigoo ah A/nasir Ahmed Qaybdiid (Shide) Waxaan Hambalyo iyo bogaadin udirayaa Chemical engineer A/risak Ahmed Hayir oo Gacan Wayn Igu Siiyey Farsamada Iyo Dejinta Webkan Qaaliga ah ee http://www.bancedde.blogger/



Hanbalyo Hambalyo
















Mamulka Wargayska : A/nasir Ahmed Qaybdiid (Shide)